Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani oo soo Bandhigay Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Maanta Xukuumadu Xidhay iyo Fariintii ugu adkayd ee u Diray Madaxweynaha Cusub ee La Doortay DAAWO
Hargaysa 22. November 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo maanta Warbaahinta kula hadlayay caasimadda hargaysa ayaa Sheegay in Laamaha amaanku ay Maanta ku xidheen Madaarka Cigaal ee Hargaysa Siyaasi Maxamed Yaasiin oo Dhawaan soo bandhigay Buuga Codbixinta Doorashadda oo Gacanta Xisbiga Waddani soo Galay kaas oo abuuray dareen shaki leh oo ku saabsan hannaanka ay ku danbaynayso Codbixinta Doorashaddii Madaxtooyadda.
Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde Waxa uu Xusay in Xukuumadu Ciidamo xoogan dul dhigtay Deegaano gaar ah oo ka tirsan Somaliland taas oo abuuraysa sida uu Xusay Xasaasiyad.
Mudane C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde Waxa uu Fariin adag u diray Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo u soo Jeediyey inuu wax ka qabto hab dhaqanka Guracan ee lagu bartilmaameedsanayo Xisbiga Waddani iyo Taageerayaashiisa Waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan Fursad siinayaan Madaxweynaha la doortay isla markaana ay ka sugayaan sidii uu wax uga qaban lahaa xadhiga mas’uuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee hada xidhan waxaanu intaas ku daray in hadii uu Talaabo wax ku ool ah qaadi waayo uu maanka ku hayo Mucaaridad adag oo Xukunkiisa ka hor timaada.
Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Waxaa kala uu ka digay in Taliyaha Ciidanka Boolisku uu hadalo hanjabaad ah Warbaahinta uga Jeediyey Xisbigooda iyo Taageerayaashiisa kana dalbaday inuu Madaxweynaha la doortay Wax ka bedelo hab dhaqankaas.