|

Zimbabwe: Xisbiga Maamula Dalkaasi oo Xilkii ka Qaaday Madaxweyne Robert Mugabi+  Ooridiisii Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF Iyo Mugabi oo La rabo inuu Xilka Madaxweyne Wareejiyo!!

Harare 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Robert Mugabi ka qaaday xilka hoggaaminta xisbigaas.

Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa kaas oo laba Todobaad ka hor uu Mugabe ka Ertayay xilka.

Shaqa ka eryida Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, kaas oo dhaliyey in militariga uu maamulka dalka la wareego si ay Madaxweynaha 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay Mudada 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace Mugabe ka dhigo madaxweynaha dalkaasi.

Tobannaan kun oo qof ayaa shalay oo Sabti ahayd ka qaybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Robert Mugabi.

Mr Robert Mugabi ayaa maanta la Kulmaya hoggaamiyayaasha militariga dalka Zimbabwe, waxaana la arkayay gawaadhi ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Magaaladda Harare. Kulankaasi ayaa la filayaa in Mugabi lagu cadaadiyo in uu xilka ka dago.

Geesta kalena Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh Siyaasada dalkaasi, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Reuters ayaa baahisay in Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Comments are closed