Kormeerayaasha Maxaliga ah ee Doorashadii Madaxtooyadda oo Cadeeyay in Muraaqibiin ka Tirsan Xisbiga Waddani laga Saaray Goobihii Codbixinta DAAWO
Hargeysa 15. November 2017 (SDN/QJ ):-Dalada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Sonsaf oo ka mid ahayd Kormeerayaashii Maxaliga ah ee korka kala socday Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ayaa maanta soo saaray Warbixin hor dhac ah oo ku saabsan qaabkii ay u dhacday doorashaddii Madaxtooyadda Somaliland.
Dalada Sonsaf waxay Cadaysay in doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah kuna soo dhamaatay Jewi Nabadgalyo,Hasa yeeshee Kormeerayaasha Maxaliga ahi waxay qireen in Muraaqibiin ka socday Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani laga Saaray Goobihii Codbixinta ee ay sharciga u lahaayeen inay ku sugnaadaan si ay u ogaadaan Tirinta Codbixinta.