|

Maxay Khubarrada Caalamku ka Yidhaahdeen Doorashadda Xamaasada Xoogani ka Muuqato ee Todobaadka soo Socda Somaliland ka qabsoomi doonta?

Hargaysa 12 November  2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maalinta Beri ah oo Isniin  shacabka Somaliland u dareerayaan doorashadii saddexaad ee madaxtooyada oo 13ka Bishan ka qabsoomaysa 1642 goobood  oo ku yaalla 21 degmo doorasho oo dalka oo dhan ah.

Waxa doorashadan isu-diwaangeliyay   codbixiyeyaal tiradoodu tahay 704,089. Ololaha doorashada ayaa la soo gabogabeeyay Jimcihii toddobaadkan, ka dib 21 maalmood oo saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay ku qaateen guclo-orod ay codbixiyeyaasha ku kala kabsanayeen. Dhaliilaha ka soo baxay ololaha doorashada, wuxuu cabsi ku biiray shacbiga oo aaminsan in doorashadani noqon doonto mid werwer leh.

Walaacan waxaa abuuray saddexda murrashax  ee u tartamaya madaxweynenimada Somaliland oo kala ah Eng. Faysal Cali Waraabe oo xisbiga UCID ah, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo xisbiga WADDANI ah iyo Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga KULMIYE calanka u sida, oo saddexduba ka soo jeeda beesha dhexe. Iyadoo doorashooyinkii hore aanu jawigu sidan  ahaan jirin.

 

Codbixiyeyaal badan ayaan wali indho ka qaadin barnaamij siyaasadeedka axsaabta qaranka, waxaanu xisbi waliba ololihiisu ahaa balanqaadyo afka ah oo ay taageereyaashooda ugu jeedinayeen fagaareyaasha magaalooyinka waddanka. Doorashadani waxay  noqotay  cidiyo ku dagaalan.  Dadweynaha ayaa gorada iskula jira   saxaafada bulshada iyagoo la kala safan  murrashaxiinta xisbiyada.

Waxa dad badan amaaneen xisbiga UCID oo ay u arkaan inuu yahay qunyar socod, halka kuwo kalena ay u nisbeeyeen inuu  ka  taab-gaaban yahay labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE oo xafiiltanka u weyni ka dhexeeyo.

Goob kasta waxa magaalooyinka Somaliland haawasaha ugu badani yahay xisbiyada iyo odoroska madaxweynaha shanaad ee Somaliland hoggaamin doona 2018-2022-ka.

 

Waxaan mugdi ku jirin,   walaaca laga qabo doorashada madaxtooyadu ay keentay inay markhaati ka noqon doonaan 60 khabiir oo korjoogtaynaya    daahfurnaanta ay ku qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Kuwaasi oo ka kala socda 24 waddan oo ay  kharashkooda bixisay dawladda Ingiriisku.

 

Waxa kaloo jira qodob kale oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu majeertay oo ah in diiwaangelintii codbixiyeyaasha lagu galay qalab dhif iyo naadir ku ah adduunka isla markaana ay noqotay waddanka kaliya ee Afrika oo dhan u adeegsaday  diwaangelinta codbixiyeyaasha (Iris-recognition software).dadka la socda doorashadan,  ayaa aaminsan  in goobjoogeyaasha badan ee caalamiga ah ay soo jiidatay qalabkan casriga ah oo ay u arkeen inay u  suurtogalinayso saaxad ay ka hawlgali karaan.

 

Sidoo kalena shabakada African Arguments ee ka faaloota siyaasadda Afrika, ayaa  sheegtay in bisaylka  siyaasadda Somaliland ay ka marag kacday  doodii  ay  murrashaxiintu  19 October  isku hor-fadhiisteen, waxaanay shabakaddu  qortay;   “Tusaale kale oo qaangaadhnimada siyaasadda Somaliland ka turjumaya, waxay dhacday 19-kii October oo  ay murrashaxiintu yeesheen dood laga daawanayay muuqbaahiyeyaasha Somaliland.”

 

African Arguments waxay doorashada Somaliland barbar dhigtay doorashadii dadbanayd ee bishii feberwari ee sannadkan ka dhacday Soomaaliya oo ku hirgashay taageero maaliyadeed oo beesha caalamku ka geysatay, taasi  oo ay goleyaasha dawladda  soo dooranayeen 14,025 qof.

 

“Indhaha caalamka oo dhan ayaa eegaya doorashada Somaliland,”sidaas waxa tidhi Laura Hammond oo muddo dheer taxliilinaysay arrimaha Somaliland oo daraasaadka caalamiga ah ka dhigta jaamacadda  Soas-University ee London, waxaanay tidhi;  “Haddii doorashada Somaliland ku dhammaato si wanaagsan waxay muujin doonaan awooda iyo  qaangaadhnimada siyaasadooda oo ah  wax dawladda Muqdisho ee Soomaaliya riyo uun ku ah inay hawaystaan doorasho toos ah.”

 

Sidoo kale Mark T. Jones, ayaa maqaal uu  kaga hadlay dimuqraadiyada Somaliland  Axadii, waxa uu ku sheegay in adduunka iyo gobolka ay ku taalo labaduba wax ka baran karaan dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Waxaanu ku dooday in haddii Somaliland ka baxdo doorashooyinkan in qaddiyadeedu afrika ka mudnaan doonto tixgelin.

 

Faaqideyaasha maxaliga ah ayaa aaminsan haddii Somalilad ka badbaado khilaafaad siyaasiya oo ka dhasha doorashadan xamaasada badan inay Somaliland tahli doonto inay ka dabaalato marxalad kasta oo gondaheeda ka dhasha.

 

Somaliland waxay nidaamka axsaabta badan qaadatay 2001-dii, waxaana waddanka ka dhacay laba doorasho oo dawladaha hoose ahaa oo kala qabsoomay 2002-2012, doorashadii Golaha Wakiillada 2005-tii iyo labada doorasho madaxweyne oo dalka ka kala dhacay sannadihii 2003-2010.

 

Cumar Maxamed Faarax

Cumarmfaarax@hotmail.com

Comments are closed