|

Xasan Daahir Aways oo Madaxweyne Farmaajo Ku Khilaafay in Al-Shabaab Dawlad-diid yihiin iyo Taladiisa!!

Muqdisho 12 November  2017 (SDN/QJ):- Sh. Xasan Daahir Aways oo ka mid ahaa Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab, balse tan iyo markii uu dawladdii hore ee Soomaaliya isu dhiibay sannadkii 2013-kii Xabsi-guri Muqdisho ah oo dawladdu ku ilaaliso ku jira, ayaa Farriin Talo iyo Tilmaan Xambaarsan u diray Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Dawladdiisa-ba, Taladaas oo ku waajahan dawlad-diidnimada Al-Shabaab iyo xaqiiqada uu ogyahay waxay tahay.

Xasan Daahir Aways, waxa uu sharraxaad ka baxay waxa keenay Taageerada badan ee uu Shacabka Somaliland ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ku tilmaamay sababta dhawr qodob oo is-biirsaday, isaga oo geesta kalena sheegay inay Shacabku eegin waxa uu is-beddelku u keeni karo oo ay dhinac qudha ka eegeen, sida uu hadalka u dhigay Aways.

 

“Taageerada ay Shacabka kuu muujiyeen dhawr arrimood, ayaa keentay sida aan is leeyahay, waa marka koowaad shacabku wey dhibtoodeen, sidaa daraadeed isbeddelka ayey rabeen iyaga oo aan eegin waxa ku hareereysan isbeddelkaa dhacaya.” Sidaa ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aways.

 

Xasan Daahir Aways oo sii watay Sharraxaaddiisa, isla markaana si toos ah ula hadlayey Madaxweyne Farmaajo, waxa uu yidhi; “Tan kale muddadii Lixda bilood ahayd ee aad Ra’iisal-wasaaraha aheydna waxbey kaa ar-arkeen, marka arrimahaa oo isbiirsaday ayaan is leeyahay waxaad ku heshay taageerada dadweyne.”

 

Madaxweynaha ayuu kula taliyay in uu siweyn uga fiirsado Shaqsiyaadka la shaqeynaya, isaga oo sheegay in ay jiraan qaar doonaya oo keliya in ay dhaqaale ka sameystaan. Waxaanu sheegay inuu Dawladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo-ba kaga aragti duwan yahay Qaabka loo waajahayo la-dagaallanka Al-Shabaab iyo weedhaha Madaxweynuhu ku sheego in Al-Shabaab tahay dawlad-diid.

 

“Annigu waan ku khilaafsanahay qaabka aad u wajaheyso Al-shabaab oo aad leedahay waa dowladdiid,  waa War uu Cadawgu meeriyay ee War Islaam ma’aha, War Soomaali ma’aha, War Siyaasi maaha, War Caqliyanna ma’aha. Al-Shabaab dawlad-diid ma’aha, laakiin waxaa ay doonayaan dawlad Islaami ah, waan qirsanahay in ay qaladaad sameynayaan marmarka qaar. Laakiin, sida aad ogtahay marka uu dagaal jiro oo koox ay hubka qaadato qalad waa imanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Sh. Xasan Daahir Aways, sida lagu faafiyey Shabakadda Hiiraan online oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Comments are closed