|

Murashixiinta Madaxweyne ee Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo Wada Jir Muujiyey iyo Nuxurka Fariin ay Iyaga Iyo Komiishanka Doorashooyinku u Direen Shacabka Somaliland DAAWO

Hargaysa 11 November  2017 (SDN/QJ):-Musharraxiinta Saddexda Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa si wada-jir ah Farriin ugu diray Guud ahaan Shacabka, waxayna ugu baaqeen inay u Midoobaan ilaalinta Amniga Qaranka, Maalinta Doorashadana si Wanaagsan uga qayb-qaataan.

Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa kulan ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxay si wada-jir ah ula hadleen Saxaafadda, iyagoo dhammaantoodna muujiyey Midnimo iyo Walaalnimo.

Musharaxiinta doorashada madaxtooyada Somaliland waxay farriin digniin ah u direen maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland oo sheegay in aanay doorasho ka dhici karin gobolada Sool iyo Sanaag, iyagoona bulshada caalamka ugu baaqay in ay arrintaasi la socdaan.

Caddiraxmaan Cirro musharraxa xisbiga WADDANI ayaa yidhi; “Somaliland doorashada waxay ka qabanaysaa dalkeeda dal kale iyo xuduud kale ka qaban mayso waxay doonaysaa doorasho xor ah oo xalaal ah oo nabad-galyo ah inay qabato. Farogelin shisheeye oo sida laga soo sheegay Puntland ay ku dhawaaqeen Baarlamaankoodu ama Puntlandba inay farogelinayso doorashada Somaliland tallaabadaas beesha caalamkana waan u sheegaynaa oo waa gar-darro”

Muuse Biixi Cabdi, Musharraxa xisbiga KULMIYE ayaa isna yidhi; “Waxaan u digayaa Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo ku dhawaaqday inay khalkhal galin doonto doorashada annakuna nabad baanu doonaynaa Somaliland haddaanu nahay Somaliland dagaal way kasoo daashay Somaliland dagaal waa u waayo arag Somaliland .. weligeedba cadow noo gacan qaaday muu jabin waayin weligayo cadow nagama adkaan taariikhda dib haloo raaco”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe musharraxa xisbiga UCID ayaa isna yidhi; “Waxaan leeyahay dadka wada dhashay ee jaarka ah ha xumeenina xidhiidhka dadka u dhexeeya ballan anigu waxaan ku qaaday haddaan soo baxo insha allaahu tacaallaa waan soo bixiye inaan idinla xisaabtamo maanta haddaad taa ku dhaqaaqdaan waayo maanta shaqo wayn ayaanu wadnaa oo soomaali oo dhan sharaf u ah”

Comments are closed