Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland oo Kulan isugu keenay Musharraxiinta Madaxtinnimada u Tartamaya DAAWO
Hargaysa 11 November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland soo maray, ayaa Qado-sharaf ku maamuusay Saddexda Musharrax Madaxweyne ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa 13-ka bishan aynu ku jirno oo ku beegan Isniinta toddobaadkan, waxaana kulankaa Qadado ahaa laga soo jeediyey Hadallo Talooyin iyo Waano ah.
Waxaannu Kulankaas Qado-sharafta ahaa Cidda ka qaybgashay, siduu u dhacay iyo Hadallada laga soo jeediyey-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-