|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Shacabka Gobolka Maroodi Jeex ugu Baaqay inay Codkooda Siiyaan Murashax Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 09 November  2017 (SDN/QJ):-Xisbiga talada dalka haya ee kulmiye oo ay maanta ahayd maalintiisii todobaad ee isu soo baxa ololaha doorashada oo ay ugu dambaysay maanta ayaa gobolada iyo degmooyinka dalka ka dhigay isu soo bax ay ku muujinayan cududooda ku waajahan ololaha doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha JSL Md: Axmed maxamed Maxamuud (siilanyo) murashaxa madaxweyne ee xibiga kulmiye Md: Muuse Biixi Cabdi iyo mauuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa kala qayb galay taageerayaasha xisbigaasi isu soo bax ay ka sameeyeen fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Comments are closed