Baarlamaanka Maamul Goboleedka Punt land oo Meel mariyey Qorshe ay Ku Carqaladaynayaan Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland Iyo Madaxweyne C.weli Gaas oo ay Ka Dalbadeen inuu Mas’uuliyadiisa ka soo baxo DAAWO
Garowe 07 November 2017 (SDN/QJ):-Fadhi ay Maanta Magaaladda Garowe ku Yeesheen baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land ayay ka soo saareen Go’aamo gole oo ay ku doodayaan in aanay Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland ka Dhici Karin Gobolada Sool,Sanaag,Cayn iyo Hay-land.
Mudane Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha Baarlamaanka Punt-land ayaa ku dhawaaqay Go’aankii ka soo baxay baarlaamaanka Punt land Waxaanu Sheegay 36 Mudane oo Fadhigaasi ku sugnaa ay Meel mariyeen qaraarkaas Waxaa kale oo Gudoomiyuhu ka Dalbaday Madaxweyne C.weli Maxamed Gaas inuu Guto waajibaadka ka saran difaaca Xudduudaha Punt land.