|

Muuse Biixi oo Khudbad uu Taageero Ku Kasbaday ka Jeediyay Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in tartanka doorashada ee xisbigu aanay ujeedadiisu ahayn in uu ku guulaysto kursiga madaxtinimada dalka, balse ay tahay midaynta ummada reer Somaliland, iyo sidii looga midho dhalin lahaa qaddiyadda madax-bannaanida qaranka.

Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in uu si gaar ah miisaanka u saari doono horumarinta iyo midaynta bulshada gobolada Sool iyo Sanaag bari, haddii uu ku guulaysto talada dalka, iyo sidii loo sugi lahaa dhamaan xuduudaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in uu murrashax ahaan dhex u yahay deegaanka reer Sanaag.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in sababta xisbiga KULMIYE u galayo doorashadu ay tahay sidii loo midayn lahaa Somaliland, waxaanu yidhi “Doorasho ayaynu gelaynaa bishan 13-keeda, waxyaabaha aynu  doorashada u galayno waxa kow ka ah in aynu Somaliland midayno, oo wixii aan calooshoodu isu furnayn aynu qalbigooda isu furno, oo dalku noqdo mid kaliya oo midaysan oo wax wada qabsada.

Anigu murrashax ahaan waxaan miisaanka si gaar ah u saarayaa gobolada Sool iyo Sanaag bari, oo muddo 28 sannadood ah aanay wali calooshooda iyo qalbiyadoodu aad ugu furnayn badhkood, qaarna ay wali ka walaacsan yihiin oo ay u qabaan dawlad ay cid gaar ahi dhisatay oo looga horreeyay, waxaanu doonaynaa in ay ka mid noqdaan oo taladooda, cududooda iyo caqligoodaba ku soo biiriyaan.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMYE, waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Hawlahaas dawladdaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bilawday,  shirar waawayn ayaa laga galay, shirkii Awr-boogays ayaa ka mid ahaa, kii u dambeeyayna waxa uu ahaa kii Cali Khaliif Galaydh kaga mid noqday Somaliland, sababta oo ah Somaliland jiri mayso oo Somaliland ay ka maqan yihiin ama ay ka cago-jiidayaan Sool iyo Sanaag bari ma soconayso, haddii aanay qalbiga u furin, haddii aanay ka hawl-galin, haddii aanay ku qancin dastuurka, haddaanay ku qancin waxa la qabanayo , Somaliland wax baa ka maqan, taas ayaanu aaminsanahay haddaanu KULMIYE nahay, taas ayay xukuumadda Axmed Siilaanyo ka hawl gashay, taas ayaanu sii hirgelinaynaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo.”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag bari, waxaanu yidhi “Bulshada reer Sool iyo Sanaag bari, waxaan leeyahay, Soomaali idinkaa ugu badan, Soomaali idinkaa ugu qabwayn, taariikh ahaan dadkii talo-qabeenka ahaa ayaad ahaydeen, intaas oo dhanna Somaliland way u baahan tahay oo waanu idinku rabnaa, waxaanuna doonaynaa in aad kaalintiini soo gashaan, wax alla iyo wixii ay ku xidhan tahay ee arrintaa lagu helayana KULMIYE ahaan intii horena waanu qabanay wixii dambena diyaar baanu u nahay.”

“Walaalayaal haddaad reer Sanaag tihiin, waxaad tihiin magaalo wayn oo taariikhi ah oo dad badani ku dhaqan yihiin, anigu murrashax ahaan haddii aan doorashada ku soo baxo reer Sanaag dhex baan u ahay, oo qof ahaan reer Sanaag wax aanu isku riix riixaynaa ma jirto, sababtoo ah dadka wada degaa inta badan wax bay kala sheegtaan oo wax bay isku riix riixaan, markaa reer Sanaagow dhex baan idiin ahay, haddii aan cid u dhago nuglaanayana Sool iyo Sanaag bari ayaan u dhago-nuglaanayaa, waxaan arrintaa ugu dheeraaday, wax inaga maqnaa 25 sannadood oo aynu doonayno in aynu dhamaystirno oo hadda bilaw ahi waa arrintaa nabadgelyada iyo in aynu soo xidhno xadkeena” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in uu ka mid yahay dadka aad ka ugu dhagan qaddiyada Somaliland, balse taas macnaheedu aanu ahayn in uu neceb yahay Soomaali, waxaanu yidhi “Dad badan baa u haysta in raggii SNM ahaa ay neceb yihiin Soomaali, dadka ku dhagan qadiyadda Somaliland ayaan ka mid ahay, taas macnaheeduna maaha in aan necebahay Soomaali, waanu ku faanaynaa, Soomaali baynu nahay, walaalo ayaynu nahay, shalay baynu midawnay, dad baynu isu xignaa, dhibaatadooduna way ina dhibaysaa, laakiin waxaanu leenahay, hadday inaga duntay dawladdii aynu ku midawnay, hadday hir geliwayday oo aynu is qaban waynay, haddaad maanta soddon sannadood dhibaato ku jirtaan, walaalayaal waxaynu Soomaali ku dhisaynaa, oo aynu wax ku qabsan karaynaa in labadii Soomaaliyeed ee midoobay  mid walba gaarkeeda loo soo dhiso, siddeed iyo labaatankaa sannadood ba waxaanu lahayn, waar Soomaaliya midi way duntaye Soomaali midba gaarkeeda ha loo dhiso, markaas ayay qabsoomayaan oo ay wax istarayaane. Waynu u ducaynaynaa Soomaaliya, dhibaatada lama jeclin, waxa ku dhacay waanu ka xunahay,  laakiin sidan aynu nahay waxba isma tari karno, Soomaaliya waxaynu wax u tari karaynaa Somaliland oo noqota dawlad xor ah oo caalamku aqoonsanyahay, markaas ayaynu u gurman karnaa oo aynu ceelka ka soo saari karnaa.”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu faahfaahiyay mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadda KULMIYE ka fulisay gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Xukuumadda KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sagaal iyo siddeetan mashruuc ayay ka fulisay gobolka Sanaag iyo badhan, waa sagaal iyo siddeetan mashruuc, way qoran yihiin, waddada Ceerigaabo ayaa ugu wayn, cisbitaalka Ceerigaabo ayaa ka mid ah, todobaatan iyo todoba iskuul oo hoose dhexe iyo sare ah ayaa ku xiga,  maantana cisbitaalkii waynaa ee Ceerigaabo ayaa la furayaa, lix riig ayaa laga qoday, iyo baraago, qorshahaasi ayaanu haynaa oo noo socda, waanu garanaynaa oo wixii khaldamayna waanu saxaynaa, qorshayaal cusubna waanu u haynaa Sanaag iyo dalka oo dhan, KULMIYE wuxuu codkiina ku doonayaa wax qabadkaa iyo qorshahaa soo socda,  iyo waayo aragnimadaa, kuma doonayo malo-awaal iyo qabiil baan ahaye maanta ha la isiiyo, qabiil iyo reer ma hogaamin karo dawlad,  Somaliland oo isu dhan ayaa lagu socon karaa, KULMIYE-na taas ayuu higsanayaa.”

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga  Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in ujeeddada uu murrashaxa u yahay aanay ahayn uun in uu helo, ama ku guulaysto kursiga madaxweynaha, balse ahmiyaddiisa ugu wayni ay tahay in uu qaddiyada Somaliland gaadhsiiyo halka ay higsanayso, waxaanu yidhi  “Xisbiga KULMIYE ugama jeedno kursi ku gaadh, anigu murrashax uma ihi inaan kursi helo, waxaan u socdaa qadiyadii Somaliland ee aan intaa u soo joogay halkii ay higsanaysay in ay gaaadho, Soomaalida kalena ay wax u tarto, caalamkana ay wax u tarto, gobolka iyo mandaqadana wax ka tarto, ma doonayo meel yar oo soke walaalayaal, maaha maanta kursiga ku gaadh, waxaanu doonaynaa in uu noqdo sida xisbiyada caalamka oo kale ee labada boqol ee sanno jira ee la iska dhaxlo, ee qaranka horumarka u horseeda ayaanu doonaynaa. Waxaan ku soo gabagabaynayaa, reer Sanaagow, waxaanu maanta idinka codsanaynaa codkiina, anaga oo wixii aanu qabanay wax ku doonayna, oo qorshahayaga wax ku doonayna oo aragtidaa aanu idiin sheegnay wax ku doonayna.”

Muuse Biixi Cabdi, gabagabadii hadalkiisa waxa uu si weyn ugu mahad naqay bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag, ee sida weyn ugu soo baxay dabaal-dega xisbiga KULMIYE ee ololaha maalintiisa lixaad, waxaanu yidhi “Waxaan idiinka mahad naqayaa, xisbi ahaan iyo wefti ahaan ba, soo dhawaynta mugga iyo miisaanka leh, intii aanu gobolka Sanaag joognay, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, iyo fagaaraha aad maanta sidaa isugu soo baxdeen, aad iyo aad baan idiinka mahad naqayaa, ILLAAHAY na ha idinka abaal mariyo.”

Comments are closed