|

Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Digay Koox Khalkhal-gelin Karta Doorashada Madaxtooyadda ee Dharaaraha Koobani inaga Xigaan DAAWO

Hargaysa 03 November  2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeedsano ilaalinta Nabadgalyada Qaranka Maalmaha lagu jiro Doorashada Madaxtooyada, maaddaama oo ay Tahay Xaasaasi.
Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee maanta kaga hadlay Arrimo badan oo Muhiim ah, ayaa si gaar ah Dadweynaha ugu baaqay inay ka digtoonaadaan Dad uu sheegay inay u shaqeynayaan Cadowga Somaliland isla-markaana doonayaan inay Mushkilad ka sameeyaan Dalka Maalinta Doorashada Madaxtooyada oo Haddii Alle yidhaahdo ku beegan 13-ka bishan November, 2017-ka.

Comments are closed