” Xisbiga Kulmiye Iyo Gobolka Sool Waa Shuraako Waayo Waxay Tacab badan Geliyeen Xisbiga Kulmiye” Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda DAAWO
Laascaanood 03 November 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa dadweynaha gobolka Sool ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay wax uga qaban karaan gobolkaas.
Guddoomiye Baashe wuxuu sheegay in siyaasiyiinta reer Sool shuraako la yihiin xisbal-xaakimka oo uu ku dooday inuu horumarka dalka iyo gobolka Sool-ba tacab badan geliyay.waxaanu u mahadceliyay kumanaan ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Laascaanood.