Musharraxiinta WADDANI Iyo KULMIYE Codad ma ku waayi karaan Hadallada Naxliga ah ee ay Warbaahinta isku marinayaan? & Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Go’aanka Cod-bixiyeyaasha!!
Hargaysa 03 November 2017 (SDN/QJ):-Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka hadlay sida ay u akaan Hadallada Xanafta leh ee ay Musharraxiinta Xisbiyada Qaranku isku mariyaan Warbaahinta.
Musharraxiinta Xisbiyada Somaliland, gaar ahaan Musharraxiinta Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ayaa Maalmihii u dambeeyay Hadallo Adag oo Xanaf leh isku mariyey Warbaahinta, kuwaasi oo dadweynuhu ka xumaadeen isla-markaana u arkeen inay sababi karaan Mushkilad aan Dalkan looga baahnayn.
Dadweynaha Caasimadda qaar ka mid ah oo la waydiiyey siday u arkaan Hadallada Musharraxiinta KULMIYE iyo WADDANI ku saabsan Dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay iyo waxa ka dhalan kara soo hadal-qaadkooda Xilligan Xaasaasiga ah, ayaa sheegay in Musharraxiintu aanay waxaa iyo wax la mid ah Codadka Dadweynaha ku heli Karin.
Aadan Cabdi Muxumed oo ka mid ah Dadweynaha Caasimadda ee la waydiiyey Aragtidooda ayaa yidhi “Hadallada ka soo baxaya Musharraxiinta Xisbiyadu ma qurux badna, Musharraxiinta WADDANI iyo KULMIYE mid wuxuu yidhi ‘Musharraxa WADDANI waxa laga taageeray Xamar, midna wuxuu yidhi ‘Musharraxa Kulmiye wuxuu dilay Dad’, waxaan leeyahay Waar Dadka Maxaa la xasuusinayaa, Dad Sokeeye ah oo isku dhacay Maxaa arrinkooda laga xoqayaa, Dadkani waa isku Dad, Aabbo keliya ayaa wada dhalay oo meel bay ka soo wada jeedaan.”
Muwaadin kale oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa isaguna sheegay “Cay laguma helo taageerada Shacabka, Cid cay ku macaashtay ma jirto, Maanta oo dhan haddaad been akhrido waxba ku heli maysid, oo Dadka ayuun baa kaa sii yaaci.”ayuu yidhi, isagoo la hadlayey Telefiishanka Eryal oo Rayi-ururintan sameeyay.
Ridwaan Cabdi Abshir oo ka mid ah Dadweynaha Aragtidooda ka dhiibtay hadallada Xanafta leh ee Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka ayaa yidhi “Xisbiyadu hadday doonayaan Cod, ha joojiyaan waxan oo buuq iyo Cay ah, Bulshadana ha u soo bandhigaan Barnaamijyadooda iyo wixii lagu dooran lahaa ee ay qaban doonaan.”
Xuseen Saalax Maxamed ayaa isaguna sheegay “Musharraxiinta waxaanu uga digaynaa Hadallada Qabyaaladda ah ee Xanafta leh.”ayuu yidhi.
Ugu dambayn, Dadweynaha Reer Somaliland ayaa ka soo horjeeda in Musharraxiinta Xisbiyada Qaranku ay ku ololeeyaan hadallo aan wanaagsanayn oo keeni kara in Shacabku kala fogaado.
Hadallada Xanafta leh ee Amniga waxyeeli kara, ayaa sidoo kale Saamayn ku keeni kara Codadkii ay Dadweynuhu siin lahaayeen labada Musharrax ee muddooyinkii u dambeeyay Warbaahinta iskaga jawaabayey, kuwaasi kala ah Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Dhiggiisa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taasi oo dabcan ka dhigan in Go’aanka Cod-bixiyeyaasha qaarkood is-beddeli karo isla-markaana ay Codkooda u weecin karaan Musharrax aan ahayn kuwa hadallada Cunfiga ah iswaydaarsanaya.