Loolanka Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland oo meel xasaasi ah maraya & Xisbiyada Oo Si Adag Isku Haya!!
Hargaysa 03 November 2017 (SDN/QJ):-Bulshada Somaliland ayaa 13-ka bishan November 2017 u dareeraya Sanaadiiqda Cod-bixinta doorashada Madaxweyne-nimada ee Somaliland, waxayna kala dooranayaan sadex Xisbi oo si adag ugu loolamaya hogaaminta deegaanadaas, waxayna kala yihiin Xisbiga Kulmiye ee talada hadda haya oo uu ka sharaxan yahay Muuse Biixi, Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo uu ka socdo Cabdiraxmaan Maxamed Cirro iyo Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Labada Xisbi ee sidda aadka ah loolanku ugu dhaxeeyo ayaa kala Waddani & Kulmiye, waxaana ku jira Siyaasiinta ugu culus ee deegaanada Somaliland, loolanka ayaa gaadhay halkii ugu sareeyey.
Todobaadyadii isku soo baxyada ayaa ka socda Fagaarayaasha magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, dadweyne kala taageersan dhinacyada iyo kuwa soo raacaya shanqadhta ayaa soo baxayey maalmihii ugu dambeeyey.
Waddani & Kulmiye waxay soo bandhigeen wax kasta oo ay cod ku heli kareen, sidaas oo kale talaabo kasta oo ay qaadi karaan ayay qaadeen, hadal kasta oo ay adeegsan kareen lama kala qarsan.
Saxaafadda ayaa la kala safatay dhinacyada loolamaya, waxaana gudaha mandiqadaas & Baraha Bulshada aad looga dareemayaa Loolanka doorashada oo ay Saxaafadu ka dhex muuqatay.
Iibsiga Kaadhadhka lagu codeynayo ayaa lagu arkay magaalada Hargeysa, taas oo keentay in Korjoogayaal caalami ah loo dalbo, si loo ogaado xaqiiqada jirta waxaana muuqata welwel weyn.
Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ah halka aadka loogu loolamayo ayaa u kala qeybsantay labo dhinac, gaar ahaana taageerayaasha Labada Xisbi ee ugu cad-cad ayaa kala noqday labo xaafadood, qolo kastana waxay la imaanaysaa aragtideeda siyaasadeed.
Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay kahortageen falal amaan darro oo ay taageerayaasha Xisbiyadu isku dayeen, gaar ahaana Kulmiye & Waddani, waxaana la soo qabtay Dabley weerartay guriga Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro.
Guddiga Doorashada ayaa dalbaday korjoogayaal caalami ah, maadaama doorashadan ay maalgalinayso Beesha Caalamka ee taageerta dhanka Dimuquraadiyadda, waxaana si weyn isha loogu hayaan Hayaanka geedi socodka ee Doorashada Somaliland.
Waddani & Kulmiye waxay loolan adag ugu jiraan kasbashada codadka magaalooyinka waa weyn, gaar ahaana Burco, Hargeysa, Boorama & Berbera, waxaana doorashadan ka qeybgalaysa in badan oo kamid ah bulshada deegaanadaas oo qaatay Kaadhka Diwaangalinta ama codeynta Doorashooyinka.
Maalmaha ayaa is guraya waxaana ay sugayaan Shacabka Somaliland in ay codkooda dhiibtaan oo ay kala reebaan Musharaxiinta sida adag ugu loolamaya, waxaana ay Musharaxiintu ku jiraan saacadihii ugu dambeeyey ee dagaalkooda.
Ma’ahan markii ugu horeysay ee ay Somaliland gasho doorashada xor ah oo ay Shacabku leeyihiin go’aanka ugu dambeeya, waxaana ay ku heleen Amaan iyo bogaadin, iyadoo ay taageero uga heleen Hay’addaha iyo wadamada Caalamka ee taageeraya.