|

Xisbiga Kulmiye oo Maalintiisii 5aad ee Ololaha Doorashadda Wacdaro ka Dhigay Gobolada Somaliland,Damaashaadkii Laascaanood & Dardaarankii u Danbeeyay ee Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Laascaanood 03 November  2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13-ka bisha November ee sannadkan.

Ololaha xisbiga Kulmiye oo galay wareegiisii 5aad ayaa waxaa taageerayaasha dareenkooda la wadaagay hogaanka Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood kala qaybgalay isu soo bax ka dhacay Fagaaraha Khayriyadda ee Laascaanood kaas oo jamaahiirta Kulmiye ay ku muujiyeen sida uu xisbigu taageero uga haysto Gobolkaas.

Taageerayaasha oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga Kulmiye iyo Murashixiintiisa ayaa Socod Lug iyo gaadiid ah ku soo maray shaaricyada kala duwan ee magaaladaasi,Waxayna aakhirkii isugu biyo shubteen Fagaaraha Khayriyadda ee Magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka iyo maayarka gobolka Sool, ayaa ugu horrayn shacabka reer Laascaanood ku boorriyey inay sii libinlaabaan taageeradooda KULMIYE, iyaga oo ku dheeraaday horumarka ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hirgelisay gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland.
Wasiirrada wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo halkaas ka hadlay, ayaa shacaka ga mahadnaqay taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen, iyaga oo xisbigana ku ammaanay sida uu ugu hagar baxay gobolka Sool.

Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey Taageerayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigiisu ku doonayo inuu dalka ku hogaamiyo Waxaanu ka Codsaday Shacabka ku dhaqan Gobolka Sool gaar ahaan Magaaladda Laascaanood in Maalinta doorashadda ay Codkooda u haneeyaan Xisbiga Kulmiye si ay u sii ambo qaadaan Horumarka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiye ay halkaas uga sii Jaanqaadaan.

Dhanka Kale Waxa uu Xisbiga Kulmiye isu soo baxyo dhanka Samo falka ah ku bedelay Ololihiisii Maalinta Shanaad oo Ku Beegantay Maalin Jimcaad oo Cibaado iyagoo qaybiyay Xoolo Tiro badan.

Comments are closed