‘’Doorashada Haddii Maanta Nalaga Helo Anagoo Kulmiye ah Dee Waa Haddii Ay Ku Shubteen ‘’ Maayar Ku Xigeenka Hargaysa DAAWO
Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):- Maayar Ku xigeenka Caasimadda Hargaysa Cabdi casiis Cago weyne oo dhawaan ku biiray Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye uu yahay ka ugu Codka badan caasimadda Hargaysa hasa yeeshee waxa uu xusay in hadiiba ay dhacdo In lagaga Guulaysto ay arrintaasi tahay ku Shubasho.
Dhawaqan ka soo Yeedhay Maayar ku Xigeenka Caasimadda Hargaysa ayaa loo arkaa mid saamayn ku yeelan kara aqbalaada Natiijada doorashadda ku Mudaysan 13-ka Bishan November ee 2017.