“Muuse Biixi Demmiinnimada waan ku ogaaye, waxaan islahaa Prof: Samatar, ayaa Waxoogaa u sheegi Doona..” Ismaaciil Buubaa DAAWO
Hargaysa 27. October 2017 (SDN/QJ):-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inuu muujiyey inaanu la socon wadciga Siyaasiga ah ee Geeska Afrika iyo Caalamka kaleba ka socda, isla markaana uu ku ogaa aragti la’aanta Siyaasadeed iyo Dammiinnimada Shaqsiyadeed, hase-yeeshee uu wakhtigan filayey inuu Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo Xisbiga Kulmiye ka tirsani inuu Waxoogaa Siyaasadda wax uga sheegay.
Ismaaciil Buubaa oo Khudbad ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada magaalada Hargaysa maalintii labaad ee isu soo baxa ololaha doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Waddani oo Khamiistii Maanta u lahaa, isla markaana Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro iyo Siyaasiyiin kale oo Buubaa ka mid yahay halkaas kala hadleen Kumannaan Taageerayaasha Waddani ah oo isugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Waxa uu Prof: Ismaaciil Buubaa, jawaab ka bixiyey hadalka Musharrax Muuse Biixi kaga khudbadeeyey Arbacadii shalay Fagaaraha Khayriyada magaalada Burco, kaas oo uu ku sheegay in Xisbiga Waddani yahay mid magaalada Muqdisho laga taageero oo Soomaaliya wax looga soo sheego. Hase-yeeshee, Buubaa waxa uu ku dooday in Muuse Biixi Hadalkii uu Dagaalka Sokeeye ku riday 1994-kii ku celiyey, isla markaana aanu la socon in Somaliland u baahantay in Magaceeda, Karaamadeeda iyo Dawladnimadeeda la muujiyo mooyee inaan Soomaaliya lagu xoqin, Soomaaliyana tahay mid iyadu maanta wax la qabasho u baahan oo aan Somaliland iyo Cid kale toona wax la qaban karin, Xisbiga Waddanina aanu Soomaaliya iyo Xamar toona shaqo ku lahayn ee uu yahay Xisbi ka mid ah kuwa talada Somaliland u tartamaya.
Waxa uu Ismaaciil Buubaa Bulshada u soo jeediyey inaanay cunfi iyo caaddifad toona ka qaadin weedhaha Xanafta leh ee Muuse Biixi ka soo burqanaya, isla markaana ilaashadaan midnimadooda, wada-jirkooda, nabadgelyadooda iyo Somaliland-nimadooda oo aanay dheg u dhigin hadallada Musharrax Muuse Biixi doonayo inuu Bulshada ku kala qaybiyo sidii uu ugu kala qaybiyey 1994-kii oo ay u suuragashay xilligaas, balse maanta aan u suurageli karin, waxna ku heli doonin.
Haddaba, Khudbadda uu Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargaysa uu ka jeediyey Siyaasiga Ruug-caddaaga ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ee uu arrimahaas iyo kuwo kale-ba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-