“Saddexdii Qof Ee Soomaaliyeedba, 2 Ka Mid Ahi Ma Heystaan Wax Ay Cunaan” Qaramada Midoobay
Muqdisho 27. October 2017 (SDN/QJ):- Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu Caleemo-saaray Madaxweynaha cusub ee Maamul-gobolleedka Hir-shabeelle, ayaa soo hadal-qaaday arrimaha Amniga iyo Saboolnimada laga dhaxlay abaarta.
Keating wuxuu sheegay in in shacabka Soomaaliya xiligan wajahayaan xaalad amaan darro, loona baahan yahay si xaaladdaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiil, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan ciidamada dowladda.
Wuxuu kale oo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in ayna heysan wax ay cunaan, maaddaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo wali ay muuqato saameyntooda “Aarrinta xanuunka badan ee dhabta ah ee na hortaalla ayaa waxa ay tahay in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaaliyeedba ayna Maanta haysan wax ay cunaan, dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa hortaalla amni xumo.”
Danjire Keating waxa kale oo uu sheegay “Beesha Caalamka ahaan waxaanu dooneynaa inaanu garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso horumarinta nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, hore u socodka nidaamka Dowladda.” Ayuu yidhi