|

Hogaamiyaha Macangaga ah ee Kuuriyadda Waqooyi oo Hambalyo aan Hore loo arag u Diray Madaxweynaha Shanta sano ee soo Socota Hogaamin doona Dalka Shiinaha!!

W.Kuuriya 27. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Mr: Kiim  Jun un, ayaa hambalyo aan hore looga baran u diray madaxweynaha Shiinaha Mr: Jing Ping oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi shanta sanadood ee soo socota, isla markaana la gaadhsiiyey hogaamiye heerkiisa la mid ah Aasaasihii Jamhuuriyada Shiinaha Mr: Mow Tas Tang.

Mr: Kiim Jun Un,  hambalyadiisa uu u diray dawlada Shiinaha ayuu u rajeeyey mid barwaaqo iyo xasilooni u horseeda gobolka bariga Aasiya isla markaana feejignaan dheeraad ah u yeelata gardarada maraykanku ku hayo caalamka hor u socodka ah.

Geesta kale, waxa uu ka codsaday hogaamiyaha Shiinaha Mr: Jing Ping in xidhiidhka labada dal la xoojiyo isla markaana barnaamijka Niyukliyeerka Biyoon-Yaan lagu xalin karo  wado hadal diblomaasiyadeed.

Comments are closed