Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Dalka Spain Oo Beeniyey In Aanu Dalkiisu Inqilaabin Gobolka Katolooniya
Madrid 27. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baarlamaanka gobolka Katolooniya ayaa sheegay in tallaabooyinka ay ku dhawaaqday dawlada Isbayn ay tahay inqilaab lagula kacay gobolka Katalooniya.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Isbayn oo ka jawaabaya hadalka guddoomiyaha-Baarlamaanka Katolooniya ayaa sheegay haddii ay cidi inqilaabku kacayso waxa ku kacay gobolka Katalooniya.
Dawlad-goboleedka Katalooniya oo uu horkacayo madaxweynahoodu ayaa farta kuu fiiqay codkii ay shacabkiisu ku codeeyeen aqlabiyada inay ka madax bannaanaadaan dalka Isbayn intiisa kale 1 Oktoobar ee sannadkan, hasayeeshee waxa sharci-darro ku tilmaamay aftidaasi maxkamada sare ee dalka Isbayn.
Sida laga soo xigtay madaxda gobolka Katalooniya 90% ayaa u codeeyey inay madax bannaanaadan halka 43% ay u codeeyeen inay ka sii mid ahaadaan dalka Isbayn.
Midowga xisbiyada dalka Isbayn oo ku guulaystay 40% doorashooyinkii dhacay sannadkii 2015 gobolka Katalooniya ayaa qaaday aftida laga qaaday gobolka iyaga oo ku dooday in aanu sharci ahayn.
Wiigan ayuu Raysal wasaaraha dalka Isbayn soo saaray qorshayaal lagu xadidayo xorriyada madaxda gobolka Katalooniya, qorshahan ayaa sidoo kale lagu doonayaa inay dawlada Isbayn la wareegto Booliska gobolka Katalooniya iyo warbaahinta ka hawlgasho gobolkaasi. dawlada Isbayn ayaa raaligelin ka bixisay dhaawacyadii ay boolisku soo gaadh siiyeen shacabkii Mudaharaadayey.