|

Cabdi Casiis Samaale oo Sheegay in Mar Labaad Xisbiga Kulmiye Hantiyi Doono Codadka Gobolka Togdheer Isla Markaana si Dadban ula hadlay Siyaasiyiin Waxqabadka Kulmiye ku Faana DAAWO

Burco 26. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaale ayaa Sheegay inuu rumaysan yahay in Xisbiga Kulmiye uu Gobolka Togdheer ka heli doono Codad ka badan kii 2010-kii Lagu doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Waxaa Kale oo Mudane Samaale Fariin u diray Siyaasiyiin aanu Magac dhabin oo ku faana sida uu Yidhi Waxqabadka Xukuumadda ka dhalatay Xisbiga Kulmiye dalka ka hirgalisay.

Cabdicasiis Samaale ayaa hadalkan ka Jeediyey Xili uu ka Khudbadaynayay Fagaaraha beerta Xoriyada ee Burco oo Shalay Xisbiga Kulmiye ku dhoola Tusanayay.

Comments are closed