Siyaasi C.laahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Taliska Booliska Ku Dhaliilay inay Buriyeen awaamiirtii Madaxweynaha & Komiishanku soo Saareen DAAWO
Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-La taliyihii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee dhanka Doorashooyinka C.laahi Xaaji Cumar (C.laahi Jawaan) ayaa sheegay in la Jebiyey Go’aanadii ka soo baxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Ku wajahnaa Saacadaha Ololaha Xisbiyadda Siyaasadda Waxaa Kale oo uu Xusay inay Burtay wareegto uu Madaxweynuhu kaga Mamnuucay Agaasimeyaasha Guud iyo Shaqaalaha dawladu inay ku dhex milmaan loolanka Xisbiyadda.