|

Komiishanka Doorashooyinka oo ka hadlay Bilowga Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda oo Beri Bilaabmaya,Fariimo ay u Direen Sadexdda Xisbi, Xukuumadda,& Shacabka Somaliland DAAWO

Hargaysa 20. October 2017 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka qaranka ayaa ka hadlay Sida ay u qoondeeyeen in Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland ugu Loolamaan doorashadda Madaxtooyadda waxayna cadeeyeen in Ololuhu Bilaabmi doono Maalinta sabtida ah ee beri oo ay Taariikhdu tahay 21-ka Bisha October soona gabo gabaysmi doono 10-ka bisha November ee sannadkan 2017.

Afhayeenka Komiishanka doorashooyinka qaranka Siciid Cali Muuse Iyo Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng C.qaadir Iimaan Warsame ayaa faahfaahiyey sida ay u dejiyeen Jadwalka Ololaha doorashadda ee Xisbiyada Siyaasadda iyo Waxyaabaha ka reeban inay Xisbiyadu ku kacaan Mudada uu Ololuhu Socdo.

Comments are closed