Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Socdaalkii uu Ku Khatimayay Muddada Xil hayntiisa Ku maraya Gobolada bari ee Somaliland DAAWO
Laascaanood 20. October 2017 (SDN/QJ):- Wefti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Gaadhay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa Xadhiga ka Jaray Mashaariic Horumarineed oo Xukuumadu Hirgalisay Halka uu dhanka Kalena dhagax dhigay Mashaariic Kale.
Madaxweynaha ayaa furay cisbitaalka guud ee gobolka Sool, oo laga hir-galiyey in ka badan 11 mashruuc, sidoo kalena waxa madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray dugsiga sare ee boodhinka Laas-caanood oo isna dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo gaadhay magaalo Madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, iyaga oo ka soo safray magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa madaxweynaha iyo weftiisa soo dhawayn ballaadhan ay kala kulmeen dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan deegaamada u dhaxeeya goboladaasi.