Dareenka Shacabka oo Muujiyey in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Kaga Sareeyay Labada Murashax ee La Loolamaya Doodii Tooska ahayd ee ay Isaga Hor Yimaadeen DAAWO
Hargaysa 20. October 2017 (SDN/QJ):- Inta badan Shacabka Somaliland ayaa Muujiyey in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi uu kaga sareeyay labada Murashax ee Xisbiyadda Kulmiye Iyo Waddani dood ay markii kowaad Bulshada kaga iibinayeen Barnaamijka Siyaasadeed ee ay ku gelayaan Doorashadda Madaxtooyadda.
Rayul Caamkii sida tooska ah u daawanayay Telefishanada iyo Mareegaha Warbaahineed ay sida tooska ah Doodu uga Socotay ayaa qiray in Labada Murashax ee Xisbiyadda Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani ay u Muuqdeen kuwo is weeraraya isla markaana si gooni ah isu bartilmaameedsanaya Taasina ay fursad siisay inuu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid uu si Qurux badan u soo bandhigo Barnaamijkiisa siyaasadeed,inkasta oo aanu laftiisu marar kala duwan weerar ku qaaday Murashaxa Xisbiga Waddani.
Shacabkan oo dareenkooda ku soo bandhigay baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu ku sareeyay doodii uu la qaatay Labada Murashax ee kale ee ay ku wada loolamayaan doorashadda Madaxtooyadda.