|

Xukuumada Waqooyiga Kuuriya ayaa ku Hanjabtay in Duqeyn aan la Saadaalin Karin Wakhtigeeda iyo Goobta ay La Beegsan doonaan Maraykanka iyo Xulafadiisa

W.Kuuriya 20. October 2017 (SDN/QJ):- Hanjabaadan oo ay Baahisay Xarunta dhexe ee Wakaalada Wararka Dalkaasi waxaa ay Kusoo beegantay Iyadoo Maraykanka iyo Ciidamo ka socda Koonfurta Kuuriya iyo Japaan ku sameeyeen Dhoolatus Milatari Gacanka Kuuriya Taas oo cadho Xoogan iyo Diyaargarow ku Samaysay Waqooyiga Kuuriya.

Geesta kale Xukuumada Biyoonyaan aya ku Balan qaaday in ay ku Tijaabin doonto Badweynta Baasifiga, Gantaalaha Xambaara Niyuuk-leerka, Halka madaxweyne Trump ku Hanjabay in uu Bur burin doono Waqooyiga Kuuriya.

Comments are closed