Awaamiir adag oo Ka Soo Baxay Raysal Wasaaraha Ciraaq oo Ciidamadiisa & Maleeshiyaadka Taageera ku Wargaliyey inay Dib uga Baxaan Magaaladda Kirkuuk
Baghdad 20. October 2017 (SDN/QJ):- Amar adag oo kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Ciraaq Xaydar al-Abaadi aya lagu War geliyay Ciidamada Militariga ah iyo Maleeshiyada Taageerta in ay si Deg deg ah uga Baxaan Magaalada Kirkuuk, kadib markii ay Cabashooyin kasoo yeedheen Qawmiyada Kurdiyiinta ee Magaaladaasi Degan.
Ciidamada Booliska ee Deegaanka Magaalada ah iyo kooxaha la Dagaalama Argagixisada oo kaliya ayaa Amarkani Ogolaaday in ay Amniga iyo kala Dambaynta Magaalada Sugaan Iyagoo Qawmiyadaha kala duwan ee ku Nool Magaalada si siman ula dhaqmayaan.
Geesta kale Magaalada Kirkuuk, oo ay Gacanta ku Hayn jireen Ciidamada Maamulka Kurdiyiinta ayaa ka Cararay Magaaladaasi Todobaadkii hore markii ay Cadaadis Siyaasadeed iyo Weerar kadis ah kala Kulmeen Ciidamada Qaranka Dalkaasi iyo Maleeshiyaad Shiico ah Kuwaasi oo si Fudud kula Wareegay Magaaladaasi iyo Xaruumahii Shidaalka.