|

31 qof oo ku dhintay dab ka kacay dhul kaymo ah oo ku yaala dalka Portuqaal

Portugal 17. October 2017 (SDN/QJ):- Sida ay sheegtay laanta la dagaalanka dabka ee dalka Portuqaal, waxa sidoo kale ku dhaawacmay dabkaasi daraasiin qof oo kale.

Haweenay afhayeen ah oo u hadlay laanta la dagaalanka dabka ayaa sheegtay inuu dabku ka holcayo 145 goobood. dhinaca waqooyiga dalkaasi ee xudduuda la leh dalka Isbayn dab ka kacay ayaa galaaftay nolosha saddex qof.

Kumanaan ka tirsan kooxaha dab-demiska ayaa la dagaalamaya dabka, iyada oo xaalada cimiladu tahay jiilaal kulul oo qalalan. xaalada waxa sii cakiray dabeylaha ay keentay Duufaanta Ophelia oo ku dhutay dalalka Ireland, iyada oo u soo dhawaatay galbeedka xeebaha yurub. in ka badan 50 qof ayaa ku dhaawacmay dabkaasi, 15 ka mid ah ayaa ku jira xaalada halis ah, warbaahinta gudaha dalka Portuqaal ayaa sheegtay inay la la’yahay dhawr qof, oo uu ku jiro ilmo yar oo bil jiray.

Dalka Isbayn laba qof ayaa laga helay iyaga oo ku ag-gubtay gaadhi ay wateen meel waddada dhinaceeda ah, waxa la rajeynayaa inay da’aan roobab xilli dambe oo maant ah. xaalada deg-deg ah ayaa lagaga dhawaaqay waqooyiga dalka Portuqaal, waxaana loo daabulay in ka badan 6,000 oo ah kooxaha dabka la dagaalama iyo 1,800 gaadiid ah. xaalada deg-dega ah ayaa saamayn doonta kala badh dalka Portuqaal.

Comments are closed