|

Xiisaha Ku Lamaan Madal ay Warbaahinta Somaliland ku soo Gole Joojisay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 15. October 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland u balan qaaday inaanay qoyskiisu wax saamayn ah ku yeelan doonin talada iyo nidaamka dawladnimo ee wadanka, haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee November qabsoomaysa.

Md. Cirro, oo toddobaadkan ay koox suxufiyiin ahi su’aalo ku weydiiyeen magaalada Hargeysa, wuxuu kaloo balan qaaday inaanay beeshiisu ka badsan doonin beelaha kale ee Somaliland marka laga hadlayo dawladnimada.

Comments are closed