Hay’adda Xuquuqda Aadamaha oo Qaramada Midoobay u soo Jeedisay Inay Ciidamo gayso Gobolka Rokhina ee Muslimiinta Myanmar
New York 15. October 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee (Human Rights Watch) Mr: Robet Kolfil, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro gobolka Rakhiin ee dalka Mayarmar si nabad galyada loo soo celiyo.
Mr: Robet Kolfil waxa uu intaasi ku daray in ay u cadahay goleha amaanka iyo bulshada caalamka in xalku ku jiro ciidamo nabad ilaalin ah oo dalkaasi la geeyo gaar ahaan gobolka ay dagaan qawmiyada Rohinga si qaxoontiga ka barokacay dib ugu soo noqdaan dalkooda.
Hase ahaatee, Qaramada midoobay ayaan wali ka tashan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalkaasi, inkastoo ay jirto in xukuumada dalkaasi is hortaag ku hayso hay’addaha samafalka sidii ay gargaar u geyn lahaayeen gobokaasi ay dhibtu ka jirto.