Qaraxii ugu Xooga weynaa oo Galabta ka Dhacay Isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho & Khasaaraha oo Marba Marka Xiga sii Kordhaya!!
Muqdisho 14. October 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.
Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag dhow oo qaarkood ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.
Qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay illaa iyo ku dhawaad labaatan ruux, iyadoo tiro badan kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, gaadiid fara badan oo xiligaas marayey isgoyska Zoope ayaa qaraxaas ku gubtay kuwaasoo isugu jiray mootooyinka bajaajka, gaadiidka iska rogeyaasha iyo gaadiidka raaxada, waxaana xaalada goobtaas ay isu bedeshay mid argagax leh.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka Somalia ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida ay eryanayeen gaarigaas qaraxa waday oo noociisu ahaa TM, uuna isqarxiyey ka hor inta aan gacanta lagu dhigin.
Xarakada Al-Shabaab oo looga bartay iney horey ka sheegtaan qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaan ilaa hadda soo hadal qaadin qaraxan ka dhacay Zoope oo noqonaya kii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada.