Guddiga Ilaalinta Iyo Daba-galka Hantida Qaranka Wakiillada Oo Isha Ku Haya Masuuliyiinta Xukuumadda Xilligan Lagu Jiro Kala-Guurka
Hargaysa 13. October 2017 (SDN/QJ):- Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay bilaabayaan Olole ay kaga hor-tagayaan in Xilligan lagu jiro Kala-guurka ee Doorashada Madaxtooyada lagu Takri-falo Hantida isla-markaana lagu ololeeyo.
Guddiga ayaa sheegay in Diyaar-garowga loogu jiro Doorashada Madaxtooyadu ka soo dhex galay Wareysiyadii ay la yeelan jireen Masuuliyiinta Xukuumadda, sida Wasiirrada, laakiin ay sii wadayaan dedaalka ay kaga hor-tagayaan in Masuuliyiinta Dawladdu ku ololeeyaan Hantida ay Masuulka ka yihiin ee Ummadda ka dhaxaysa.
Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka Xildhibaan Naasir Cali Shire iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Guddigaasi ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin ilaalinta Hantida Ummadda muddada kala-guurka ah.
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ugu horreyn la hadlay Telefiishanka SAAB ayaa yidhi “Annagaa ka masuul ah Hantida Qaranka ka guddi ahaan, waxaanu wadnaa oo noo socda Hawlahayagii, Maalmaha soo socdana War fiican ayaad naga maqli doontaan…”
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa isaguna sheegay “Awalba waanu wareysan jirnay Wasiirrada, oo waanu daba-geli jirnay, haddana sidii ayaanu u daba-taagan nahay, laakiin wax naga soo dhex galay Ololaha Doorashada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annagu aad baanu u dedaalaynaa oo waxba la hadhi mayno, haddaanu nahay xubnihii Dadku soo doorteen ee Wakiilka ka ahaa. Shaqadayada ayaa ah inaanu mar walba soo jeedin iyo dhawaaq samayno.”