|

Madaxtooyadda Villa Somalia oo Balan Uga baxday Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho 13. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa balan qaad uu u sameeyay Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka gobolka Banaadir uga baxay.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa markii xilka laga qaaday Gudoomiyaasha degmooyinka kulan gaar ah la qaatay, waxa uuna Madaxweynaha u balan qaaday in dowlada kamid noqon doonaan shaqooyina laga siin doono Gudoomiyaasha xilka laga qaaday.

 

Waxaa sidoo kale Gudoomiyaashii Degmooyinka kulan la qaatay Wasiiro Dowladaha Madaxtooyada C/Qaadir Macalin Nuur oo isna u sheegay Gudoomiyaasha in Madaxtooyada ay shaqooyin kala duwan geyn doonto .

 

 

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa arintan shaqaalo u raadinta Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka u xil saaray Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin.

 

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa isna kulan gaar ah la qaatay Guddiga ay iska soo dhax saareen Gudoomiyaashii xilka laga qaaday waxa uuna u sheegay in shaqooyinka la geynayo diyaar yihiin isagoona ugu dambeyn u qabtay bishii Agust ee laga soo gudbay.

Madaxtooyada ayaana xiligaa kadib albaabada ka xiratay Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka gobolka Banaadir oo rajo badan ka qabay in ay wax ka noqdaan Dowlada Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadi 15 kamid ah ayaa mar qura xilka laga wada qaaday , mana jirin sabab loo cugsaday xilka qaadista halka mar dhacday.

Comments are closed