Dawlada Kenya oo Guud ahaanba Joojisay Isu soo Baxyo ka Dhici lahaa Magaalooyinka Waaweyn & Mucaaridka Kenya oo ku baaqay inay Taageerayaashoodu sii wadaan banaan baxyada!!
Nairobi 13. October 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Kenya ayaa mamnuucday in dibadbaxyo lagu qabto gudaha saddex magaalo oo waaweyn oo kala ah caasimadda Nairobi, Kismu iyo Mombassa.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fred Matiang’I, ayaa sheegay in mamnuuciddaasi looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo hantida iyo shacabka Kenya.
Taageerayaasha mucaaradka ayaa dibadbaxyo joogta ah ka dhigayay magaalooyinkani saddexda ah, waxaana inta badan dibadbaxyadaasi ka dhashay bililiqo iyo isku dhacyo dhex maray booliska iyo taageerayaasha mucaaradka oo dalbanaya isbadal dhanka doorashooyinka ah.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa isaga hadhay tartanka doorashada loo ballansan yahay 26-ka bishan.
Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa laashay natiijada doorashadii dalka ka dhacday billowgii bishii siddeedaad, taas oo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Matiang’i ayaa sheegay in ujeeddada mamnuuciddan aysan ahayn in dadka loogu diido xaquuqdooda dastuuriga ah ee ay dibadbaxyada ku dhigi karaan balse tahay mid lagu heshiiyay kaddib markii mas’uuliyiintu ay arkeen haliska dalka ku soo wajahan.
Wasiirka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ay cabasho uga timid dadka gancsatada ah oo ka sheegtay saameynta xun ee ay dibadbaxyadu ku yeesheen gancsigoo
Waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha sarsare ee mucaaradka ay qaadan doonaan mas’uuliyadda rabshadihii dhacay arbacadii doraad.
Raila Odinga ayaa tartanka uga hadhay sababo uu ku sheegay in guddiga doorashooyinka uu diiday in ay wax ka qabtaan cabashooyin iyo dalab uu u gudbiyay oo ku saabsan khaladaadkii dhacay xilligii doorashadii hore.
Isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay dibadbaxyadaasi sii wadaan oo ay cadaadis saaraan guddiga doorashooyinka dalka ilaa ay ka ogolaadaan dalabka mucaaradka.