|

Kuuriyadda Waqooyi oo Nidar ku Martay in si kasta oo Culays loo Saaro aanay ka Joojinayn Horumarinta gantaalaha Nukliyeerka!!

Pyongyang 13. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arimaha Dibada ee Waqooyiga Kuuriya Rii Yan, oo waraysi siiyay Wakaalada Wararka ee Ruushka “Taas” Ayaa ku dhawaaqay in ayna joojinaynin Dawladiisu Xaalad kasta oo timaada Horumarinta Gantaalaha Xambaara Madaxyada Niyuuk-leerka.

Isagoo Xusay in ay Difaac u tahay  Qaranimada Xukuumada Biyoon-yaan.

Mr Rii Yan waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Waqooyiga Kuuriya ayna waxba yeelayn Cunaqabatayn kasta oo Maraykanku Horseed ka yahay oo lagu soo Rogo Xukuumada Biyoon-yaan, Taas oo ay waqti kasta Diyaar u yihiin Difaaca Gardarada uu Maraykanku ku hayo Dalkiisa iyo Caalamka intiisa kale.

Mr Rii Yan oo Booqasho ku jooga caasimada Ruushka ayaa amaan usoo jeediyay Xukuumada Ruushka Fikirka ay ka aaminsan tahay Horumarinta Niyuuk-leerka Waqooiga Kuuriya oo ah inaan Dagaal cidina maanta guul ku gaadhaynin ee ay Gantaalahu is dhaafi doonaan.

Comments are closed