‘’ Doorashadii 2003-dii Waxaa Dalka Badbaadiyey Madaxweyne Siilaanyo Tii 2010-na Waxaa Dalka Badbaadiyey M.weynihii Hore Daahir Rayaale Maantana…’’ Khadar Maxamed Cakule DAAWO
Hargaysa 06. October 2017 (SDN/QJ):- Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Maxamed Cakule ayaa sheegay inaanay Jirin Wax baqdin ah oo Bulshada Somaliland ka qabi karto doorashadda Madaxtooyadda,Maadaama ay Somaliland soo Martay Doorashooyin kala duwan.
Khadar Maxamed Cakule ayaa sheegay in Doorashadii Madaxweyne ee Sannadkii 2003-dii dalka ka dhacday uu Somaliland badbaadiyey Madaxweynaha haatan Axmed Siilaanyo oo 80 Cod ku aqbalay in laga Guulaystay halka uu sidoo kalena xusay in Doorashadii 2010-kii uu Somaliland badbaadiyey Madaxweynihii Xiligaas Daahir Rayaale Kaahin oo ku qancay in isaga iyo Xisbigiisii Udub laga Guulaystay Waxaanu intaas ku daray in Doorashada 2017 la sugayo Sadexda Murashax ee Ku tartamaya ee Muuse Biixi,C.raxmaan Cirro Iyo Faysal Cali ka ku biiri doona baalka dahabka ah ee aqbali doona in laga guulaystay.