|

Qaahira : Dambiilayaal Qudha Ka Jaray Nin Ciyaartoy Ahaa Oo Meydkiisana Waddo Ku Tuurey Oo La Qabtay !

Qaahira 06. October 2017 (SDN/QJ):- Dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday dalka Masar kadib markii ay niman tiradooda lagu sheegay saddex ay si arxan darro ah qudha uga jareen nin ciyaartoy ah isla markaasina ay ku meydkiisii ku tuureen wado.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Masar ayaa shaacisay in baadhitaano hor leh ay kusoo ogaadeen nimanka falkaasi arxan darrada ah geystay oo ay magacyadooda ku sheegeen Axmed c.M oo dadiisu tahay 32jir, Maxamuud S.M oo 27 jir ah iyo Axmed M.T oo da’diisu tahay 21 jir, saddexdan nin ayaa si badheedh ah waxay qudha uga jareen nin ciyaartoyga kubbada cagta ahaa ee la odhan jiray Axmed Xamdi.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa xaqiijiyay inay saddexdaasi nin gacanta kusoo dhigeen isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Comments are closed