|

Gobolka Xornimo u Dirirka ah ee Catalonia oo Beesha Caalamka ka Dalbaday Inay Dhex dhexaadin ka sameeyaan Diidmada ay kala Kulmeen Spain

Barcelona 04. October 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa sheegaya in dibad bax balaadhani uu ka qabsoomay gaar ahaan magaalo madaxda Barcelona ee gobolkaasi, iyadoo lagaga cabanayo xadgudubyo la sheegay in ay geysteen ciidamada amaanku, markii ay carqalad ku noqdeen aftida ay codkooda ku dhiibanayeen dadku.

Dibad baxan oo si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey ayaa la joojiyey gaadiidkii dadweynaha isla markaana la xidhay dugsiyadii oo dhan, iyadoo ay ardeyda Jaamacadaha iyo dugsiyadu ugu badan yihiin kuwa dibad baxan wada, taas oo ay ku muujinayaan rabitaan kooda madax banaanida gobolka katalooniya oo ay boqolkiiba sagaashan (90%) u codeeyeen.

 

Geesta kale, madaxweyne goboleedka Catalonia ayaa ku baaqaya in dhex-dhexaadin caalami ah laga galo diidmada ay is-hor taagayaan dawlada dhexe ee Spain rabitaanka dadweynaha gobolka katalooniaya.

Comments are closed