|

Muslimiinta Ku Dhaqan Dalka Austria oo Xarunta Baarlamaanka ka hor dhigay Banaan bax ay ku diidan Yihiin Sharci Cusub oo Mamnuucaya Xijaabka Haweenka

Austria 03. October 2017 (SDN/QJ):- Boqolaal Qof oo mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay Dhismaha Baarlamaanka dalka Austria, kuwaasi oo ka Gadoodsan Qaanuunka lagu mamnuucay Xijaabka ay haweenka muslimiinta ahi ay qaataan.

Mudaharaadayaasha ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah qaanuunka mamnuuca Xijaabka, iyaga oo ku tilmaamay  Qaanuunkaasi in uu yahay mid faragelin ku ah arimaha gaarka ah ee Nolosha Qofka.

Waxa kale oo ay Mudaharaadayaashaasi tilmaameen inaanay Cidina xaq u lahayn inay qofka  u yeedhiyaan  dharka uu isagu xidhanayo ee ay tahay xaq qofku gaarkiisa u leeyahay.

Dadka mudaharaadayaasha qaarkoodna waxay tilmaameen in qaanuunkan mamnuucaya xijaabka aanu wax macno ah soo kordhinayn balse uu yahay qaanuun cid gaar ah lagu bar-tilmaamedsanayo.

Qanuunkan ayaa waxa uu dhigaya in haweenka u hogaansami waaya ku dhaqankiisa  ee iyagu xidha xijaabka ama indho shareerka in lagu ganaaxo aduun dhan Boqol iyo Konton Euro.

Comments are closed