Cuno qabatayntii Isbahaysiga Sucuudigu ku soo Rogeen Dalka Qatar oo Saamayn adag ku yeelatay Waxbarashadda Ardayda Dalka Qatar!!
Doha 03. October 2017 (SDN/QJ):- Xayiraadii ay qaar ka tirsan dawldaha gacanku ku soo rogeen dalka Qadar ayaa saamayn ku yeelay waxbarashadii ardayda dalka Qadar.
Xayiraadii ay dawladaha Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo Imaaraadku ku soo rogeen dalka Qadar oo gashay ku dhawaad afar bilood ayaa haatan u soo wareegtay dhinaca ardayda wax barata.
Ardayda dhigta dugsiyada dalka Qadar ayaa tartan waxbarasho ugu bixi jiray dalalka Khaliijka, si ay dhigooda ula tartamaan, hasayeeshee dawladaha xayiraada saaray dalka Qadar ayaa dhawaan hor istaagay arday ka socotay dalka Qadar oo tartan la geli lahaa ardayda dalalka gacanta. Sidoo kale waxa hore loo horjoogsaday arday kubbada cagta la soo ciyaari lahayd ardayda dalalka gacanta.
Is-marin waaga u dhexeeya dawlada Qadar iyo dalalka gacanka ee uu Sucuudigu ugu tunka weynyahay ayaa weli cakiran. Dhawr isku day oo lagu doonayey in xiisada lagu dhameeyo ayaa hal bacaad lagu lisay noqday.