Maraykanka: Nin Ku Hubaysan Toban Qori oo Qudha ka Jaray 58 Qof Iyo Dhaawaca oo Kor u Dhaafay 500 oo Qof!!
Las Vegas 02. October 2017 (SDN/QJ):- In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro kor u dhaaftay 500 oo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, oo ku yaala magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.
Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka isagoo intaas ku daray in ninkii weerarka gaystay la dilay kaas oo da’diisu ahayd 64 Jir.
Clark Joseph Lombardo Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay aanay Jirin Cid wehelisa inkasta oo la baadi goobayo sida uu yidhi qof ay guri wada degenaayeen.
Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay isaga oo wata 10 qori oo nooca daran dooriga u dhaca ah.
Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 515, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.