|

Booliska dalka Faransiiska oo sheegay In Nin ku Hubaysan Midi uu Laba Ruux Qudha ka Jaray & Ciidanka oo Toogtay

Paris 02. October 2017 (SDN/QJ):- Labada qof oo haween ahaa, ayuu ninku ku weeraray istaan tareenada laga raaco oo ku taala magaalo-xeebeeda Maarseel ee koonfurta Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay inay markiiba ninkaasi toogasho ku dileen Booliska roodada oo goobta ka ag-dhawaa. Booliska Maarseel ayaa dadka uga digay inay u soo dhawaadaan goobta dilku ka dhacay.

 

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP istaanka tareenka ee dilku ka dhacay ayaa kan ugu mihiimsan uguna mashquulka badan koonfurta dalka Faransiiska. Sida laga soo xigtay goob joogeyaal ninka midida ku hubeysani wuxuu labada qof midida kaga geliyey caloosha iyo hunguriga. Booliska ayaa sheegay inay ninkan da’diisa ku qiyaaseen inta u dhexaysa 25 jir ilaa 30 jir, hasayeeshee aanay ilaa hadda haynin wax kale oo aqoonsi ah. Booliska la dagaalanka argagixisada ayaa baadhitaan ku haya kiiskan.

 

Weerarkan magaalada Maarseel ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Farasniisku ku jiro xaalada heegan sare ah, tan intii ay dalkaasi gilgileen weeraro is-daba joog ah oo bilaabmay horraantii sannadkii hore ee 2015, wakhtigaasi oo la weeraray xafiiskii wargayskii Charlie Hebdo oo lagu diley 12 qof. Wixii intaasi ka dambeeyey ayey dawladu qaaday hawgallo waaweyn, iyada oo soo daabushay ciidan gaadhay toddob kun oo askari oo loo qaybiyey dalka oo dhan si ay u ilaaliyaan meelaha khatarta looga baqayo ee kala ah goobaha tareennada laga raaco, goobaha dalxiiska iyo dhismayaasha diimaha.

Comments are closed