Toban Ka Mid ah Saraakiisha Ciidanka Afganistan oo Duqayn Cirka ah Lagu Khaarajiyey
Hellman 02. October 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan toban sarkaal oo ka tirsan ciidanka Afgaanistaan ayaa lagu diley duqeyn cirka, iyada oo uu socday dagaal u dhexeeya ciidanka Afgaanistaan iyo jabhada Daalibaan gobolka Helman.
Badhasaabka gobolka Helman Hayatullah Hayat ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP, isaga oo sheegay inay baadhis xoogan socota.
Wuxuu badhasaabku intaasi ku daray inuu weerarku dhacay iyada oo ciidanka Afgaanistaan dagaal ba’an kula jiraan jabhada Daalibaan, iyaga oo qarka u saarnaa inay qabsadaan goobo istaraatiji ahaa oo beryahanba uu dagaal ka socday.
Dhacdadan waxa warfidiyeennada u xaqiijiyey wasaarada difaaca. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa in ka badan laba bilood ka dib markii ciidanka cirka ee Maraykanku duqeyn ku dileen 16 sarkaal oo boolis ah, kuna dhaawacay laba kale, weerarkan ayaa ka dhacay isla-deegaanka uu hadda ka dhacay duqeyntani. Gobolka Helman waxa intiisa badan gacanta ku haya ururka Daalibaan.
Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghaani ayaa caasimada Afgaanistaan ee Kabul kulan ku lahaa taliyaha ciidanka Baagistaan, war qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada Afgaanistaan ayaa lagu sheegay inay labada masuul ka wadahadleen xasilloonida mandaqada iyo iskaashi labada dhinaca ka yeeshaan la dagaalanka ururka Daalibaan iyo ururka Xaqaani.