Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Ku eedeeyay Xisbiga Kulmiye inuu qaatay oo Sumal xaday Qayb ka mid ah Barnaamij Siyaasadeedka Xisbigiisa Kana Dalbaday in Kulmiye Wax uu Ku Tartamo la Shar Yimaado !!! DAAWO
Burco 01. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Todobaadkii tegay lagu soo bandhigay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ku galayo Tartanka doorashada Madaxtooyadda ee Ku astaysan 13-ka bisha Novembar ee sannadkan.
Hadaba hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku eedeeyay Xisbiga Kulmiye inuu sumal xaday qaybo ka mid ah Barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Waddani.
Hogaamiye Xirsi oo la hadlayay Taageerayaal ku soo Biiray Xisbiga Waddani ee Magaaladda Burco ayaa Yidhi ‘’waxaan u mahdnaqayaa taageerayaasha xisbiga Waddani ee kusoo biiray Xisbiga waxaan leeyahay soo dhawaada oo kusoo dhawaada xisbi aad la dhallisaan guusha,
waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye waqtigan manta la joogo ee loo tar-tamayo doorashada loogama baahna waxas’baan qabanayaa ee Kulmiye waxaa looga baahan yahay waxan baan qabtay waanan is ognahay wixii la qabtayna ragii ka midka ahaa baanu nahay Madaxwaynahana waanu ku amaanaynaa wanan ku sharfaynaa kaallintuu kaga jiray hogaamintana iyo wixii uu dalka iyo dadka u qabtay,
laakiin waxaan leeyahay qolada hada is mar-marinaysa wixii aanu qabanay ee new kulmiye ee hadan diidaysa waxa dhacaya ee doonaysa inaan la odhan waxaas ayaa jira tusaale ahaan sixir-bararka ee leh shaqo kuma lihin bal u fiirsada waxay rabaan sixir-bararka waxay rabaan inay madaxwaynaha qudha ku eedeeyaan waxayna doonayaan in wixii la qabtay ee wanaagsan ay dhahaan anaga ayaa qabanay waxan leeyahay war wixii la qabatayna madaxwaynaha ayaa qabtay idinku intii aad soo kordhiseen ee aad la timaaadeen buuqa waa intii Dalku dib u dhacay waa intii ay mashaariicdii istaagtay waa inta sixir-bararku dadka naafeeyey,
waxaan leeyahay reer kulmiye waxaad ku tartan taan la kaalaya waxa la shubaa waxba ma keenaan barnaamijkiiniina aragnay Dadkuna idnla arag waxa aad soo bandhigteen Barnaamijkii aanu soo bandhignay sanad ka hor iyo ka aad manta soo bandhigteen ayaad qar ka mida soo naqlideen oo ka copy garayseen waxaan leenahay reer Kulmiyow wax la kaaalaya waxa aad bari qabanaysaan maad manta qabtaan intaad leedihiin bari ayaanu wax qaban.