Weftigii Kowaad ee Ka Socda Qaramada Midoobay oo Booqanaya Gobolka ay ku dhaqan yihiin Qoomiyada Rohinga ee Dalka Myanmar
Myanmar 29. September 2017 (SDN/QJ):- Wefdi kasocda Haayada Qaramada Midoobay ayaa markii ugu Horaysay gaadhay Gobolka Rohinga ee Dalka Mayan-maar iyadoo halkaasi ay ka baro kaceen dad lagu Qiyaasay wax ka badan Afar Boqol oo kun, kuwaasoo u Gudbay dhanka Dalka Bangaala-dheesh.
Wefdigan oo ay weheliyaan Saraakiil ka socota dalkaasi ayaa u kuur gali doona Qiimayna ku samayn doona Dhibaatada Gobolkaasi ka dhacday iyagoo Gar gaar Banii’aadanimo u qaybin doona Dadka halkaasi ku hadhay.
Hase yeeshee Booqashada wefdiga Qaramada midoobay ku tagay Rohinga waxaa ay ka dambaysay markii ay Madaxda Caalamku Dhaleecayn xoogan usoo jeediyeen Xukuumad Barma Isla markaana golaha amaanka ka dalbaday Xukuumadaasi in ay Albaabada u Furto Haayadaha gargaarka Joojisana baro kaca Isirka ku salaysan.