Madaxweynaha Maamul Goboleedka Kurdistan oo Raysal Wasaaraha Ciraaq ugu Baaqay inuu u Hogaansamo Rabitaanka aftidii Shacab ee Gooni isu taagooda
Baghdad 29. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul goboleedka Kurdistan Mr Mascuud Barzani ayaa ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha Ciraaq iyo Xukuumadiisa in ay Ictiraafaan Aftida Dadweynaha Kurdiyiinta Ku muujiyeen Rabitaankoda Gooni’ugosadka ah.
Mr Mascuud Barzani Waxaa uu intaasi ku daray inay wada hadal Diyaar u yihiin Madaxda Kurdiyiintu iyadoo la qadarinaayo Rabitaanka Malaayiinta Kurdiyinta ah ee ay ku doonayaan Dawlad Madax banaan oo Kurdiyiintu yeeshaan Taas oo ay saadaalinayeen Mudo ka badan Boqol sano.
Geesta kale Ra’iisal wasaaraha Dalka Ciraaq Xaydar Al cabaadi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu la Kulmdi karo madaxda Kurdiyiinta marka ay Waxba kama jiraan kasoo qaadaan Aftida Sharci daroda ah isla markaana ku amray Maamul Goboleedka Kurdiyiinta in ay ku wareejiyaan Madaarada iyo Xarumaha Shiidaalka ee Gobolka ku yaala Masuuliyiinta ka socota Dawlada Federaalka.