Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo Sheegay in Dalkiisu Gaadhay Heer Lagu Kalsoonaan Karo awoodiisa Mileteri!!
Seoul 29. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Mr Moon Jee, ayaa ka sheegay Xaflad lagu Xusaayay Ciidamada Dalkiisa, in Ciidanka qaranku gaadheen Heer lagu Kalsoonaan karo Awoodooda Milatari Iyagoo kala wareegay Ciidamada Maraykanka Xarunti Hawl galka Milatari ee Xaalada Deg dega ahayd.
Xaruntan oo lagu Magacaabo “OPCON” Ayaa markii hore Gacanta ugu jirtay Ciidamada Maraykanka, Taas oo ay waqtigan la wareegeen Ciidanka Qaranka Kuuriyada Koonfureed oo muujiyay Heer ay awood u yeesheen Difaaca Dalkooda.
Geesta kale Mr Moon waxaa uu aad u xusay in Xukuumadiisu Dadaal ugu jirto sidii dagal lagu Hoobto aanu uga dhici lahayn Gacanka Kuuriya inkastoo ay jirto Hanjabaado ka imanaaya Waqooyiga Kuuriya oon la Aqbali Karin.