Madaxweynaha Galmudug oo Xabsi Guri Geliyey Madaxweyne Ku Xigeenkiisa & Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal Mudug Kadib Markii ay ka soo Hor jeesteen Go’aankii uu Ku taageeray Xulufada Sucuudiga & Xaalada oo Cakiran
Cadaado 27. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in xabsi guri la galiyay isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.
Cali Gacal ayaa sheegay in xabsi guri la galiyay isaga iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug kadib markii ay kasoo horjeesteen go’aankii Madaxweyne Xaaf ku taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka in ku xaniban yihiin xarunta Madaxtooyada Galmudug loona diiday in ay banaanka uga baxaan, waxa uuna tilmaamay in Madaxweyne Xaaf u isagu ka dambeeyay xabsi guriga la galiyay.
”Waxaan kuu xaqiijinayaa in aniga iyo Madaxweyne kuxigeenka in aan ku jirno xabsi guri noolana diiday in aan banaanka u baxno, Cadaado waxaa ka taagan xaalad cakiran uu abuurayo Xaaf isaga ayana amray in xabsi guri nala galiyo” Ayuu Yiri Cali Gacal.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sidoo kale sheegay in Madxaweynaha Galmudug uu diiday in ay kulmaan Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay hab dhaqanka cusub uu lasoo baxay Xaaf,
Madaxweynaha Galmudug ayaa xabsi guri galiyay kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baralamaanka Galmudug kuwaa oo ka hor yimid go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka ee xayiraada kusoo rogay dalka Qadar.