|

Hooyo Fariin Dareen Taabasho Leh U Dirtay Madaxweynaha Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Kadib Markii Sadex Wiil oo ay Dhashay Xabsiga La Dhigay DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):- Hooyo Aamina Cabdiqaasaali waaa muwaadinad Somalilander ah islamarkaana degan xaafada Siiney ee degmada Axmed Dhagax, waxaanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Taliyaha ciidanka Booliska Sarreeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ay ka codsatay in arrinta saddex wiil oo ay dhashay hoos loo eego.

Hooyadani waxaa ay taliyaha ciidanka Booliska ugu baaqay hadii ay wiilasheedu danbi galeena in loo xukumo hadii kalena loo soo daayo.

 

Saddexda wiil ee ay hooyadani dhashay ayaa waxaa ay noo sheegtay in dhawaan ay gurigooda ka soo qabteen ciidamada Amaanku ilaa hadana ay xidhan yihiin.

Comments are closed