|

Xukuumada Masar oo Cadho xoogan ka Qaaday Sheekh Ka mid ah Culimada Azhar oo Telefishan ka Hees Macaan oo Muusig wadata kaga Luuqeeyay  & Anshax marin adag oo la mariyey DAAWO

Qaahira 25. September 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Masar ayaa ka cadhootay, shaqadiina ka joojisay Shiikh ka mida culimada Azhar ka dib markii uu hees ka qaaday barnaamij uu ka qeyb galay oo toos uga socday Telefishin ku yaala dalka Masar.

Sheekh Ehab Yunis ayaa marti ku ahaa barnaamij ka baxa telefishanka ONTV ee dalka Masar, wuxuuna qaaday hees ay caan ku tahay fanaanada reer Masar ee Umu Kaltuum isagoo xidhan lebiska culimada Azhar Al-Shariif.

 

Go’aan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Masar ayaa shaqadii looga joojiyay Sheekhan, waxaana gebi ahaan laga mamnuucay inuu casharo diini ah akhriyo, inuu imaam noqdo ama uu Khudbado diini ah ka jeediyo Masaajidada iyo Madaarista.

 

Shacab badan oo reer masar ah ayaa si weyn ula fajacay markii ay toos TVga uga daawadeen Shiikhan oo heesaya, iyagoo isweydiinayey Sababta ku keliftay inuu heeso iyo waxa ku xambaaray inuu falkaas ku dhaqaaqo maadaama uu xubin ka yahay Culimada As-har.

Comments are closed